X

Turkiga oo ku hungoobay taageero uu ka filaayay Naato iyo qaxooti uu fasaxay

Kadib markii shalay Dayib Erduqaan looga diley Siiriya askar gaaraysa 33 kuna dhinteen duqeyn ayaa Turkigu qaylodhaan u direy Naato codsadeyna in la soo gaaro. Waxana loo balansan yahay in loo fariisto codsigaas.

Dayib Erduqaan oo xaaraan ku jooga dalka Siiriya si uu gobol ka mida u goosto kuna gorgortama asagoo hubeynaya argagixisada akhwaanka iyo kuwa kale ayaa ku hungoobey caawimo dhinaca cirka ah.


“Dayib Erduqaan haka baxo Siiriya hana joojiyo taageerada uu siiyo argagixisada lagu aruuriyay Idlib waa haddii uu rabo inuu gurmad ka helo Naato, ilaa hadda waxba xaq uma laha ayuu yiri khuburo ku takhasusey sharciga isbahaysiga Naato.


Wadan aanad lahayn ayaad joogtaa argagixiso ayaad taageeraysaa la baacsanayo haddana qaylaad wadaa ayuu raaciyay sharci yaqaankaas.

Si kastaba ha ahaatee Dayib Erduqaan ayaa ka doortey inuu dhiig Muslim daadiyo halkii uu soo jiidan lahaa Muslimiinta xilli dalkiisu ugu roon yahay wadamada dhigiisa ah.


“Dhibku ku ekaan maayo Siiriya oo in ku filan haysata wuxuuse gaari doonaa Turkigu ayuu yiri xildhibaan Ruusha oo aad uga xun xaalad abuurka Erduqaan.

“Haddii uu is leeyahay Naato ayaad ka heli taageero Wii Ku hingoobi doonaa, waxa keliya ee ay soon doonaan was hadday yiraahaan waan ka jirnaa Turkiga.

Qaxootiga u socda Yurub

Erduqaan oo raba inuu ciqaabo  wadamada Yurub ee diidey inay Siiriya ka caawiyaan ayaa sheegay inuu fasaxay qaxootiga jooga dalkiisa si ay ugu yaacaan Yurub.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.