Culimada Soomaaliyeed oo u digtey dawlada Xasan Sheekh: MAQAL waxa lagu haysto
Culimo dawlada Xasan Sheekh uga digtey in ay kala saai waydo dadka shacabka askarta joogtana xad u yeesho. Iyadoo duqeymaha Diyaaradaha Kiiniya ay ka geysanayaan deegaanada Soomaaliya ay sii kordheen Labadii Isbuuc ee lasoo dhaafay ayaa waxa hadana Dawlada Federaalka la sheegay inaysan ka hadlin Duqeymahaasi
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah Gudoomiyaha Hay’ada Culimada Soomaaliyeed ayaa waxa uu ka hadlay sida ay uga xun yihiin maata u dhaxaysa argagixisada iyo arxan darada ay geysanayaan diyaaradaha Kiinya duqeymaheeda.
Waxa uu ku dhaleeceeyey Dawlada Soomaaliya Madaxdeeda maadaama aysan ka hadlin Shacabka iyo Xoolaha ay ku laayeen Deegaano katirsan Gobolka Gedo.
Sidoo kale waxa uu ka hadlay Sheekh Bashiir in wax lala yaabo tahay in Qabiil dhan loo saariyo weerarkii ka dhacay CeelCade inay iyagu mas’uul ka ahaayeen.