X

Cunsuriga Donald Trump ee neceb Muslimiinta oo nin Sucuudi ah ka badbaadiyay inuu kaco waase goorma

Ninka ugu taajirsan Sucuudiga ee lagu magacaabo Prince Talaal bin Waleed oo hadda ku hawlan in uu dhiso dabaqa ugu dheer aduunka ayaa cunsuriga Maraykanka ee Donald Trump badbaadiyay laba jeer sida uu sheegay. Cunsuriga jaahilka oo sheegay in Muslimiinta laga horjoogsado in ay soo Maraykanka ayaa ku sigtey laba jeer in uu kaco.

Wuxuna fariin ugu sheegay in uu ku socdo in uu mar sadexaad kaco uuna ku dhowyahay in uu ka badbaadiyo haddii uuna joojin cunsurinimada uu ku hayo Muslimiinta.

Cunsuri Trump ayaa ku jawaabay in uuna ogolaan doonin in nin sidaada oo kale ah oo la wareegaya lacagtii aabihii uu iibsado siyaasada Maraykanka uuna joojin doono marka uu qabsado xukunka.

Warkan ayaa imanaya iyadoo cunsuriga jaahilka ah ee neceb Muslimiinta Donald Trump una sharaxan xilka madaxweynaha dalkaasi Maraykanka uu fariin uu soo dhigey ku sheegay in warbaahinta Yuhuuda ee FOXNEWS ee xarunteedu Maraykanka tahay uu leeyahay qayb weyn Talaal bin Waleed.

Talaal bin Waleed oo u jawaabaya ayaa u sheegay Trump in uu ka baxo tartanka madaxweynenimo una sheegay in aanu waligii helayn

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.