Cunto kariye ajnabi ah ayaa Muqdisho lagu diley. Dilkan ninkan ayaa ka dhacdey xaafada Buulo Xuubey oo xarun at ku leedahay hay’adda qaramada midoobey ee Unicef.
Dilkan ninkan ayaa la xaqiijiyay inuu ka dambeeyay nin Soomaali ah oo ka mid ahaa waardiyaasha xaruntaasi.
Lama oga waxa ay isku qabsadeen ninka wax dilay iyo ninka la diley ee Ajnabiga ah iyo in sidoo kale dilkiisa uu ahaa arin shirqool ah oo horay looga shaqeeyay.
Lama garan karo in argagixisadu gacan ku leedahay oo shirqoolka wax ka fuliyeen.
llaa hadda ma jirto masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo dilka ninkaan Ajnabiga ah ka hadlay.
Sidoo kale lama oga dalka uu u dhashay ruuxaan Ajnabiga ah ee lagu dilay Degmada Wadajir, gaar ahaan Xaafadda Buulo Xuubey Xarunta ay ku leedahay Hay’adda UNICEF ee qaabilsan waxbarashada Caruurta.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS

Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay