X

Kaneecada oo talaal ka hortagaya natiijo fiican laga sheegay

Kaneecadu waxay ka mid tahay xanuunada aadka u dila wadamada Afrika ee Somaliya ku jirta haddase laba shirkadood baaritaan ay sameeyeen ayaa lagu sheegay in talaal ka horagaya natiijo fiican laga sameeyay.

Talaalkan oo lagu fuliyay caruur iyo haween sida labada shirkadood sheegeen wadanka Afrika ku yaal ee Burkina Faaso ayaa muujiyay natiijo aad u wanaagsan.

Carurta iyo haweenkan talaalka la siiyay ayaa gaaraya 450 waxana qaybta labaad laga fulin doonaa wadamada Kiiniya, Malaawi iyo Tansaaniya oo kaneecadu ku badan tahay.

 

admin:

This website uses cookies.