X

Daawooyin Itoobiya u keentay dhaawaca oo sawirka kadib aan dib loo arag

Kadib markii Xasan Culusow baaq ku jeeda gaalada uu direy laakiin uu waayay cid ka soo jawaabta ayaa dawlada Itoobiya iyo Jabuuti ka soo jawaabeen baaqaas intii tabartooda ah. Itoobiya ayaa daawooyin la soo gaartey dadkii dhiigmiiratadu qarxisay.


Wararka aan ka helayno goobaha caafimaadka ayaa sheegaya in daawooyinkaas sawirka kadib aan la arag meel ay mareen. ”Waxaan arkay gaari lagu qaaday laakiin markaas ayaa noogu dambeysay ayuu yiri sarkaal ka shaqeeya isbitaal Banaadir.


”Waa nasiib daro musuq awgii in baryadii Xasan Culusow direy ee jaarku ka soo jawaabay haddana isla kooxdiisa ay suuqa dib uga gadayaan ayuu yiri Cali Calasow.



Maamulka Xasan Culusow oo ah kan ugu musuqsan maamuladii soo jirey dalka ayaa rajo xumo ku riday malaayiin Soomaali ah.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.