09/04/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dab ka kacay qaybta cuntada ee garoonka Muqdisho

Dab ka kacay qaybta cuntada ee garoonka Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa inuuu gaysan wax qasaare ah laakiin keenay in cabaar dadka laga daadgureeyo garoonka.



Dabka ayaa ka kacay Maqaayad ku taalla Gudaha Garoonka gaar ahaan qeybta Duulimaadyada Caalamiga ah.

Dabka ayaa lagu guuleystay in la damiyo, waxaana caadi kusoo laabtay howlihii Garoonka Aadan Cadde ee  Muqdisho ka dib muddo daqiiqado ah oo uu  hakad galay.



Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo Khasaaraha ka dhashay dabkaasi oo la sheegay in uu ahaa mid ay sababtay Koronto.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS