X

Ostariya oo qoxootiga xidheysa haddii ay ku kacaan

Ostariya ayaa qoxootiga xidheysa kadib markii la marsiiyay sharci barlamaanka dalkaasi. Ostariya waxay ka mid tahay wadamada ugu neceb ajaanibta maadaama ay u badan yihiin dad isku dhafa oo kala yimi wadamada Jarmalka iyo Faransiiska.

Ostariya ayaa rabta in ay marsiiso sharciga ah in qoxootiga la xidho haddii ay been ka sheegaan araajidooda qoxootinimo. Waxay soo jeediyeen in dadka waaweyn la xidho ilaa 6 bilood oo xadhiga iyo lacag ganaaxa oo dhan 5000 oo YUUROO.



Halka caruurta ay sheegeen in la xidhi doono 3 bilood oo xadhiga. Waxa durba cambaareeyay midowga Yurub sharciga la mariyay barlamaanka oo ka soo horjeeda. Maaha markii ugu horeysay ee Ostariya la timaato sharci noocana.



Qoxootiga ayaa laga rabaa in ay joogaan meel kaliya inta ay helayaan sharciga buuxa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.