Waxa duleedka magaalada Hargeysa shil ku galay ciidanka dabdemiska oo iyaga qudhoodu aan haysan tababar fiican oo ay ka mid tahay inay ka feejignaadaan inay shil galaan. Shilkan ayaa waxa jira khasaare ka dhashay oo soo gaadhey.
Dhaawaca iyo dhimashada ayaa la geeyay isbitaal ku yaal magaalada Hargeysa. Gudoomiyaha degmada Hargeysa ayaa xaqiijay dhimashada laba sarkaal oo ka mida dabdemiska.
Waxana uu ku sheegay magacda labada sarkaal Naasir Cumar Cabdi oo ah hogaan ku xigeenkii caafimaadka iyo Maxamed Cilmi Cali oo isna ah hogaan ku xigeenkii isgaarsiinta.
Waqtiga ay galayeen shilka ayaa la sheegay in dabdemisku ku socdeen magaalada Berbera kadibna ay shilka ku galeen duleedka Hargeysa. Lama sheegin sida shilku u dhacay, waxase jira afar kale oo dhaawaca oo iyagana duqa Hargeysa ku sheegay inay kala yihiin C/fataax Maxamed Xasshi, Guuleed Maxamed Cali (taliyihii Gebiley), Guuleed Maxamed Abshir iyo xubin shacaba oo isna la yiraa Cumar Maxamed Sugaal.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS