X

Dacwada nin argagixiso ah oo Puntland dil ku xukuntey oo maxkamada Muqdisho mari la’dahay

Ninkan oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Xuseen Tahliil ayaa ka dambeeyay dilal iyo weeraro ka dhacay Gaalkacayo qaasatan dhinaca Puntland, waxana la geeryay magaalada Boosaaso marki la qabtey,.

Maxkamada Puntland ayaa ninkaan oo argagixisada shabaab u qaabilsanaa saadka iyo dhaqaalaha ay ku xukuntey dil marar badan. Maadaama ninkaan ka soo jeedo dhinaca Gaalkacyo ee Galmudug waxa si qabiila u kacay maamulka Galmudug, waxayna dhigeen mudaharaadyo rabshado wata ayagoo dalbadey in ninkaan ay dacwadiisa qaado maxkamad dhexdhexaada.


Waxa ninkan markii hore wada qabtey sirdoonka Puntland iyo Galmudug, waxayna geeyeen Boosaaso. Waxana markaas kadib bishii Nofeembar ee sanadkii hore loo gudbiyay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa weydiiyay xafiiska xeer ilaalinta ee Ciidamada iney keenaan Maxkamada horteeda marqaatiyaasha ku xusan eedeysanaha Kiiskiisa oo markii saddexaad loo fariistay.


Ma jirin wax marqaati ah oo la horkeenay Maxkamadda, balse badalkeeda xafiiska ayaa soo jeediyay ineysan sii socon karin xilligan ka dib dacwad qaadista eedeysanahan, waxaa kale oo ay soo jeediyeen in Maxkamada go’aan ka gaarto eedeysanaha iyadoo la raacinayo tallaabooyin amni oo xadidaya dhaq dhaqaaq eedeysanaha.


Qareenada difaacayay C/risaaq Tahliil ayaa maxkamada ka codsaday in damiin lagu sii daayo, iyagoo ballanqaaday inay qaaday masuuliyada wixii ka yimaada.

Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow ayaa soo xiray fadhiga Maxkamada, wuxuuna u sheegay dhammaan ka qeyb galayaasha in Maxkamada go’aan ay ka soo saari doonto Kiiska.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.