X

Dawlada oo war ka soo saartey jabkii ku dhacay argagixisada

Dawlada Somaliya ayaa war ka soo saartey weerar fuleynimo oo argagixisadu ku qaaday tuulada Wisil oo ahayd tuulo nabdoon oo dadku weligood ka qixin. Argagixisada oo ogeyd in saaka laga dilayo 18 argagixis ayaa rabtey inay qixiso dad shacaba ayuu yiri afhayeen u hadlay dawlada.


Argagixisada oo sidii caadiga ahayd weerarka soo qaaday subax hore ayaa ku jabtey inkastoo weerarku socday laba saacadood oo laysku ridaayay qoryaha fudud ee labada dhinac haystaan.


Waxa dagaalka argagixisada ku shahiidey dad shacaba iyo weliba askar ka tirsan kuwa xooga. ” Waxaad is weydiin kartaa habacsanaanta ciidan beeledka ku sugan Galmudug ayagoo og in argagixisadu ku soo maqan tahay markasta ayaa waxa muuqda inay is dhigteen ayuu yiri Mire Xasan.

Inkastoo markiiba la eryaday argagixisada haddana waxa askata badankeedu ku dhimatey qaraxii ugu horeeyay ee is qarxinta.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.