Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Dad cambaaraysan waxmaka tarayso in la sii cambaareeyo: madaxii Sirdoonkii hore iyo qaraxyada argagxisada

Taliyihii hore ee ciidamada nabad sugida Soomaaliya Axmed Macalin fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa internetka ee Facebook wuxuu si kulul kaga hadlay qaraxii shalay ka dhacay hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Axmed Macalin Fiqi, wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in la cambareeyo mar walbaa weerarada marka Alshabaab ay geystaan, isagoo sheegay in Alshabaab sidoodaba yihiin dad cambaareysan oo aan cambaareyn kale u baahneyn.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada dowlada Soomaaliya loo baahan yahay in dowlada Soomaaliya u dhameystirkaa xuquuqdooda sida mushaaraadka iyo qalabka ay ku shaqeynayaan.

“Waa koox sideeda u canbaareysan, canbaareyn hor leh oo dusha looga ridaa waxba tari meyso, waxaa wax tarayaa waa in si dhab ah looga hortagaa dhibaatooyinka ay umadda u geysaneyso, ciidamada qarankana xuquuqdooda loo dhameystiraa, haddii kale ayaguna waa dilayaan, dadka iyo dawladduna waa aasayaan”ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.

Weerarkii ka dhacay hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho waxaa sheegtay Alshabaab waxaana ku dhintay ku dhawaad 15 ruux oo dad rayid ah iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...