X

Dad shacaba oo lagala degay baabuur ku socday Caabudwaaq kadibna la diley

Wararka aan ka helayno gobolka Galguduud ayaa sheegaya in baabuur lagala degay dad shacaba oo ka yimi magaalada Muqdisho una socday degmada Caabudwaaq. Ragaan lagala degay ayaa kadibna la diley.


Wararka ayaa sheegaya inay ahayd aano qabiil maadaama in muddo ahba ay jirtey colaad u dhaxaysay beelaha halkaa wada dega ee Hawiyaha iyo Mareexaanka ama Hawiyaha iyo Dirka.


Dhiigmiiratada dilka fulisay ayaa goobta ka baxsatey isla markiiba. dilalka noocana ayaa soo noqnoqda, waxana dhacaysa in dadkii laga diley ay iyaguna aargoostaan.

Maamulka taagta daran ee Galmudug ayaan ka soo saarin wax wara dilkan loo gaystay dadka safarka ah.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.