15/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dagaal ka dhacay deegaanka Dudun ee ku yaala xadka Somaliya iyo Itoobiya dhinaca Puntland

Wararka laga helayo deegaanka Dudun ee ka tirsan gobolka Mudug ayaa wararku sheegayaan in dagaal halkaas ka dhacay u dhexeeya ciidanka Liyuu booliiska ee Itoobiya iyo ciidan Puntland ka joogey xaafad la yiraa Xanaan.

Lama garanayo sababta dagaalka keentay waxase wararku sheegayaan  in Liyuu booliisku sheegeen in maamulka Puntland ku soo xadgudbey dhul ka tirsan ismaamulka Soomaalida.

Wararka dhinaca Puntland ka imanaya ayaa sheegaya in Dudun uu dhawaan dhagax dhigey wasiir ka tirsan Puntland xarumo caafimaad, ceel biyood iyo xarun booliis.

Ma jiro wax wara oo ka soo baxay dhinaca ismaamulka Itoobiya oo ku aadan wararkan. Waxa jira khasaare ka dhashay iska hor imaadkan lagu sheegay laba qof.

Dudun ayaa laba qaybood ka kooban oo waaweyn qayb raacasan ismaamulka iyo qayb raacsan Puntland, ayna dhici karto in xaga ismaamulka loo gudbey.

QWWW

1

2

3

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS