X

Dagaal xoogan oo ka qarxay jiida Nugaal iyo Sool iyo dhaawac badan iyo dhimasho jirta

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dagaal xoogan ka qarxay jiida Nugaal iyo Sool oo laba beeleed oo ka soo kala jeeda Majeerteen iyo Dhulbahante ay goobta isku fara saareen. Labada dhinac ayaa saad ka helaya labada maamul ee Khaatumo iyo Puntland.

Dagaalkan ayaa la sheegayaa in hadda loo durkey dhinaca Burtinle oo deegaan u ah Majeerteenka inkastoo dagaalku culusyahay hadana yahay goos. Ma jiraan wax wara oo ka soo baxay dhinaca Puntland. Waan waan hore loo dhex dhigey labada dhinac ayaa guuldaro ku dhamaatay.

Mamulka Khaatumo ayaa ku eedeeyay Puntland iyo Somaliland in ay iyagu dagaalka hurinayaan.

 

 

admin:

This website uses cookies.