X

Maxkamada Siilaanyo oo todobaad amartey in la hayo fanaaniinta xidigaha geeska xilli Siilaanyo la raadinayo

Maxkamada Siilaanyo magaalada Hargeysa ayaa ku xukuntay in muddo todobo maalmood ah xabsiga lagu sii hayo afar fanaan oo si foolxun loo horkeenay maxkamadan Siilaanyo. Afartan fanaan ee aan waxba galabsan ay maxkamada qabiileysan tiri hala hayio usbuuc iyadoo la raadinayo halkas Siilaanyo ku maqan yahay.

Siilaanyo ayaan la waraysan karin maadaama uuna ogeyn in fanaaniintan magaciisa lagu xiray. Wararka ayaa sheegaya in uu xaalad caafimaad u tagay Ingiriiska inkastoo dadka u sheegay in uu u socdo Woqooyiga Ayrland oo ah gobol ka tiorsan Ingiriiska.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in fannaaniinta kooxda Xiddigaha Geeska ee ku xirnaa magaalada Hargeysa la horkeenay magaalada Hargeysa iyagoo katiinado ku xirxiran.

Fannaaniinta maanta maxkamadda lasoo taagay ayaa kala ah Nimcaan Cabdiraxmaan (Nimcaan Hillaac), Xamda Cabdikariin (Xamda Queen), Maxamed Axmed Bakaal (Cirro) iyo Cabdiraxmaan Caydiid Oday.

Maxkamada ayaa sidoo kale la amray in eedaynta loo haysto la soo baaro mudada ay xiran yihiin, kadibna dib loogu soo celiyo maxkamadda.

Fanaaniintan ka tirsan kooxda Xiddigaha Geeska ayaa munaasabadii Ciidul Adxaha waxa ay bandhig faneed ka dhigeen magaalada Muqdisho, Dowlada Somaliland ayaa waxa ay ku eedeysay fanaaniintan inay ku xad gudbeen qaranimada maamulka Somaliland.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM

 

admin:

This website uses cookies.