X

Dagaal xoogan oo lagu soo qaaday dalagii dadku beeran jiray: WARBIXIN

Siduu burburku u dhacay iska daa in badeena in kheyraadkeena lala dagaalamo waxa si toosa weerar loogu qaaday abuurka aynu beeran jirnay, waxa taas kuu sheegaya beeralayda dhamaan dalka min Saylac ilaa Raaskambooni.


”Adeer midhihii aan beeran jirnay markay noo soo go’aan isla iyaga ayaan dib u beeran jirnay, siduu burburku u dhacay waxa noo yimi hay’ado ku sheeg oo abuurkii noogu bedelay mid buga ayuu yiri Jimcaale Xayle oo beer ku leh Jubbada Hoose.

Haddaba waxaad is weydiin kartaa weerarkan dhinaca cuntada ah ma weerar lagu soo qaaday Somaliya keliyaa mise waa mid waxa loogu yeero aduunka sadexaad ay ka siman yihiin.


Raiisal Wasaaraha Itoobiya ayaa qaba in shinida dalka la soo geliyay ay keentay tayo xumo cuntada dalka iyo cuduro aan dalka hore uga jirin oo laga qaado cuntada la beero.

Aduunka badankiisa wuxuu mamnuucay waxa Maraykanku ugu yeero shinida casriyaysan oo ah abuur qamadiya oo inta furay lagu talaalay wax kale taas oo shinuida badinaysa laakiin haddana ka qaadaysa tayadii ay lahayd keenina karta xanuuno.


”Waxaan qabaa abuurka ama shinida la beerto ee la keeno dalka waxa shinida la dhaqan rogey ee laga qaaday tayadii nafaqo ee ay lahayd ayuu qabaa Cali Calasow haddii kale tayada cuntada soo go’da ma xumaateen.

”Cudurka ugu badan ee inoo yimaada waa Qamadiga Maraykanka inooga yimaada oo la yimaada cudurkiisa ayuu yiri Cabi Axmed oo la hadlaayay beeralayda Oromiya.


Maraykanka ayaa Qamadiga ugu badan geeya Itoobiya xilliga uu soo go’ayo qamadiga dalka iyo heeda ka baxda dalka. Ilaa dalka xadkiisu la adkeeyo way soconaysaa dhibka cudurka ku dhaca dalaga.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.