X

Ingiriiska oo askar kale keenaya gobolka Bay yaa ka dalbaday?

Ingiriiska oo daba socda siyaasada Maraykanka ee hadda is bedeshay ayaa sheegay inuu askar kale keenayo gobolka Bay. Dadka siyaasada indha indheeya ayaa qaba in Ingiriisku rabo inuu xoojiyo danta guud ee uu ka leeyahay Somaliya.


Ilaa hadda lama garanayo cida ka dalbatey inuu askar kale noo keeno halka aanaan u baahnayn askar dheeraada ee waxa aan rabnaa ay tahayin horumar dhaqaale loo sameeyo gobolka.

”Ingiriisku dekedo ayuu ka dhisayaa gobolada Woqooyi waan ognahay inuu beesha ISAAQ aad u taageero anagana askar ayuu noo keenayaa ma wax na qabtaa ayuu yiri Cali Calasow.



”Wuxuu maamulka ISAAQ ee magaalooyinka Hargeysa iyo Burco siiyaa lacag uu ugu yeeray sanduuqa horumarinta Somalilaan anagana waa kan nale askaraa idiin keenaa, waxaan leehay maamulka Koofur Galbeed ha soo dhaweynina askar kale ayuu raaciyay Cali Calasow.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.