X

Dagaalkii Samareeb oo la soo afjaray

Waxa saakadii hore ka dhacay xarunta gobolka Galguduud ee Samareeb dagaal ay soo qaadeen maleeshiyada sheegan jirtey Ahlu sunna kadib markii ay isku fidiyeen xaafado ka tirsan magaalada.


Dagaal rogaal celina oo ay qaadeen ciidanka dawlada ayaa si buuxda looga saaray maleeshiyada magaalada ayadoo qaar la so khalday gacanta lagu dhigay.


”Waa dhiig muslim oo khasaare lagu daadiyay ayuu yiri Cali Calasow. Kooxdan Ahlu sunna la baxday waxay is lahayd magaalada qabsada inta maamulku ku maqan yahay Muqdisho laakiin jab xoogan ayaa ka raacay.



Muhiimadu waxa weeyi in dawladu difaaci karto dawladnimada oo ayna fowdo u ogolaan iyo koox isbada awood ay ku qabsan karto qaybo ka mida dalka.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.