X

Kiiniya oo ku ducaysaysa inaanu madaxweyne Farmaajo soo noqon

Wasiirka beeraha Kiiniya oo la hadlaayay warbaahinta ayaa si cad u sheegay in dadka Kiiniya ay hoos fadhiyaan maalinta Axada telefishanada aadna u rajeeyaan in isbedel ku yimaado madaxtinimada dalka.


”Waxa nasoo wajahday dhaqaale xumo baahsan waxaan luminay malaayiin doolar oo nooga soo xaroon jiray Somaliya qaadka aan ka gadno, waxaan rajaynayaa in isbedel ku yimaado madaxtinimada dalka ayuu yiri wasiirka beeraha.


Dawlada Somaliya ayaa cunaqabatayn saartey Kiiniya markii ay si toosa u farogelisay arimaha gudaha ee Somaliya iyo weliba ayadoo u diidey madaxda dalka inay hogaan xalaala ku doortaan Kismaayo.



”Hooga Kiiniya ayaa ah madaxweyne Farmaajo oo soo noqda ayuu yiri Cali Calasow waxana la filayaa in Kiiniya saaxiga keento maadaama ayna dani ugu jirin xifaaltan ay la gasho Somaliya.

Aan rajayno inaan xildhibaanadu soo saarin horgale u adeega Kiiniya iyo cadowga dalka ee sugaya inay dib u qabsadaan hogaankiisa.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.