X

Halista ku jirta haddii xildhibaanadu inoo dooraan fadhiidyo hore

Halka Somalida badankeedu doorteen madaxweyne Farmaajo oo u diyaara inuu dalkan kala dagaalamo in cadowgu ku sii faafo dibna u dhigo dawladnimada iyo qaranimadeeda, waxa kooxda sheegata beesha caalamka diyaar u yihiin inay hogaanka bedelaan.


”Waxay habeen iyo maalin u soo jeedaan sidii ay xildhibaanada uga dhaadhicin lahaayeen inayna dib u dooran madaxweye Farmaajo ayuu yiri Xuseen Warsame halka anaguna aan leenahay war dalkiina ha gadanina ayuu raaciyay.

Haddaba khatar intee ah ayay leedahay haddii horgale la doorto


1-Waxa dib u dhacaya horumarka laga sameeyay ciidanka, taasina waxay wax weyn u dhimaysaa qaranimada

2-Waxay ku dadaalayaan inay samaystaan dastuur diinta ka fog iyo awoodo dheeriya oo la siiyo maamul jufeedyada.

3-Waxa dalku halis ku gelayaa inuu si fiican u kala go’a maadaama fadhiidyadaa hore u soo fashilmay ay marayaan wadadii hore ee loo jeexay sida inay sii wadaan sheekada Somaliya iyo Somalilaan oo gaalka Ingiriisku ka saxiixay Shariif sh Axmed.


Intaas kuma eka waxase ugu weyn in qaranimada dalku ay dhulka geli doonto, taasina ay keeni karto sii joogitaanka ciidanka Afrikaanka. Joogista ciidan Afrikaana wuxuu halis ku yahay qaranimada waayo dal la ilaaliyaa dal xora maaha.



Macnaheedu waxay ka dhigan tahay haddii ay guulaystaan Rabi kama dhigee in dalka ay afar sanno oo kale si toosa xukunkiisa u hoos tago xarunta Xalane ee ay fadhido kooxda sheegata beesha caalamka.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.