X

Dayax madoobaadkii ugu dheeraa oo dhacay maxaase la ina faray

Dayax madoobaadkii ugu dheeraa ayaa aduunka badankiisa laga arkay caawa. Dayax madoobaadka ayaa dhaca marka harka dhulka qariyo qayb ka mida dayaxa. Wadamada Muslimka ayaa badankooda laga tukadey salaada Allabari ah.


Labadii sano mar ayuu dhacaa dayax madoobaadku ayadoo marna hadhka dhulka wada qariyo dayaxa taas oo dayaxu noqdo dhiig madow halka xilliyo kalana uu qayb ahaan ka qariyo.


RABIGEEN ayaa quraanka inoogu sheegay in maalintu ayna qaadan Karin habeenka, habeenkuna qaadan Karin maalinta oo midkasta ku dabaalaneyso wado RABI u jeexay.

Cilmi baarayaasha iyagu soo baxay qarnigan dambe ayaa wax u dhow hadalka RABI keenay. Hadalka RABI ayaa ah mid ayna asxaabtu fahmi karayn xilligaas oo ayna su’aalo ka waydiin rasuulka CSW .

Kitaabkeena ayaa cilmiga ugu weyni ku jiraa waxana ina fahansiin kara kaliya RABIGEENA.

Xilligii rasuulkeena iyo dayaxmnadoobaadka

Xilliga uu dhaco dayax madoobaadku ayaa dadkii jahiliinta ahaa iska sheegi jireen waxyaabo aan jirin sida inuu dhintey hebel hebel. Ayadoo rasuulkeenu (CSW) taasi beeninaayo ayaa waxa loo sheegay dadka in marka dayaxu madoobaado ay tukadaan labo rakco ilaa inta uu dhamaanayo.

Rasuulkeena CSW ayaa sidoo kale sheegay in dayaxa iyo cadceedu yihiin calaamadaha RABIGEENA. Salaada Rasulkeenu CSW tukadey ayaa asxaabiga Abu musa Ashcari  ku tilmaamey mid aanu weligiin arag dheerida awgeed.


Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.