X

Madaxweyne Farmaajo oo booqdey xaruntii Hawlwadaag ee argagixisadu qarxisay: SAWIRO

Madaxweyne Farmaajo ayas booqdey xaruntii Hawlwadaag ee argagixisadu qarxisay. Madaxweynaha ayaa isla markii uu soo gaaray Muqdisho waxa uu tagay Masjidkii iyo Dugsi Quraankii iyo xaruntii Degmada Hawlwadaag ee kooxda argagixisada Alshabaab ay qaraxa la beegsadeen, maalinnimadii Axadda ee la soo dhaafay.


Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmay qaar ka mid ah ehellada carruurtii dhiganaysey Dugsi Quraanka ee ku geeriyooday qaraxan, isagoona ku bogaadiyey bulshada degmada Hawlwadaag garab istaagga iyo taakuleynta ay u muujiyeen ardaydii ku dhaawacantay goobtaas.


“In la qarxiyo Masjidkaas ay dadka Islaamka ah ku tukanayeen iyo Dugsi Quraankan ay wax ka baranayeen caruurtii ay qaarkood ku naf waayeen qaraxaas, waxa ay muujinaysaa in ujeedka dhagar-qabayaasha Alshabaab uu yahay gumaadka qofka kasta oo Soomaali ah, carruur iyo cirrooleba.”


Madaxweynaha ayaa bulshada Hawlwadaag iyo guud ahaan degmooyinka Caasimadda ugu baaqay in ay si deg deg ah uga qayb qaataan Barnaamijka Is-xilqaan ee dib loogu dhisayo goobaha bulsho ee ku burburiay weerarkan ay soo maleegeen kooxda gaaleynta Muslimiintu.

 

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.