Thursday, October 17th, 2019
header

Dalka sidan miyaa lagu daawan karaa

Somaliya waxay u baahan tahay kacdoon cusub oo aan hore loo arag si dalku u hanto qaranimadiisa iyo dadnimadiisa. Dalka sidan laguma daawan karo. Mar haddii maamul jufeed kasta is cajabisay kuna xiratey dalal shisheeye.

Somalida waxa been loogu sheegaa inay qaateen nidaamka goboleysiga ee FEDERAAL ayadoon loo sheegin waxa uu ka dhigan yahay laakiin jufo kasta u fasiratey sida iyada ku haboon.




Waxay maamul jufeedyada la xirteen dalal is eryanaya oo midba rabo inuu urur diimeedkiisa ka fushado dalka. Taasi waxay toos uga soo horjeeda qaranimada iyo xataa FEDERAALKA bugta ee la sheegay in lagu dhaqmo.

Ilaa hadda ma jirto hogaamiye toos u qaaday talaabo uu wax uga qabanayo nidaamkan fashilmey ee FEDERAAL inuu yiraa waan qaadanay mooyee. Hadaba dalka sidan miyaa lagu daawan karaa.

Inkastoo ciidanku soo xoogeysanayo hadana looma ogola inuu fuliyo sharciga iyo kala dambeynta oo xoog ku qabsado meelo laga diidan yahay dawladnimada.




Waxa hoosta laga soo geliyay dastuur ka baxsan diinta iyo dhaqanka ummada oo asalkiisu ogolaanshaha khaniiska. Ma jirto cid leh waar inaga tuura aan habayno mooyee. Taas oo cunta waqti farabadan oo dadka wax loo qaban lahaa.

Waan ognahay in dadku waxba diidanayn laakiin hogaamiye jufeed ku xiran gaalo iyo Carab oo rabo inuu jihada ka tuuro inta hoos joogta.




Haddii maamul jufeedyadan loo ogolaado inay sidan ku sii socdaan waxaad is weydiin kartaa aaway rajada Somali ka qabto inay yeelato qaran dhisan.

Tan Somalida oo la xalin karo si fudud waxa meesha ku jirta tan caalamiga ah oo aad u xoogeysatay baryahan dambe markii la arkey in dalku iskii lugihiisa isku taagi karo laakiin u baahan in Somaliya yeelato saaxiibado runa oo ka mida dalalka awooda leh.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Hay’adda isku xirka bulshada ee Turkiga iyo mashruucyada ay Somaliya ka fuliso

October, 17, 2019
Hay'adda isku xirka bulshada ee Turkiga ee loo ...

Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo ka hadley ujeedada safarkiisa Maraykanka

October, 16, 2019
Rasiisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadley ...

Taliye ka hadley sida RABI uga badbaadiyay isku day dil

October, 16, 2019
Sarkaal ka tirsan ciidanka booliiska ee magaalada dilka ...

Maamulka Muuse Biixi oo ka hadley ciidan ka goostey

October, 16, 2019
Maamulka Somaliland ee uu Ka taliyo horjooge Muuse ...

Qisada qoys Holandays ah oo been loogu sheegay aduunyo gadoon oo la helay

October, 16, 2019
Tuulo ku taala dalkaasi Holand ayaa laga badbaadiyay ...

Dhacdooyinka

Dawlada Yaman oo wacad ku martey inay garaacdo Abu-dabay

September, 19, 2019
Dawlada Yaman ee ay hogaanka u hayaan Xuutiyiinta ...

Muuse Biixi oo hooyooyinka u sheegay inay muruqa muujiyaan

September, 17, 2019
Horjoogaha maamulka Somaliland oo Burco Ka furtey garoob ...

Safaarada Somaliya ee Kiiniya oo beenisay war jirdila

September, 15, 2019
Safaarada Somaliya ku leedahay Kiiniya ayaa beenisay in ...

Fadhiga suuli dahab ka samaysan oo la xaday iyo qiimaha uu taagnaa

September, 14, 2019
Fadhiga Musqul dahab Ka samaysan oo uu farsameeyay ...

Diyaarad bad ku dul socota iyo baylood bun ka daatey maxaa dhacay kadib?

September, 13, 2019
Diyaarad rakaab badan sida ayaa Ka soo duushey ...

Haad markii ugu horeysay ilmo yar ku cuney ismaamulka Somali Galbeed

September, 10, 2019
Haad ama galaydh kolba sida Somalidu u taqaano ...

Gabdho maqaayad ku leh Burco oo qarka u saaran inay ka guuraan magaalada: WARBIXIN

September, 7, 2019
Dhawaan ayay ahayd markii maqaayada Warsan ee magaalada ...