X

Danab hal qoys ku diley duleedka Dhuusamareeb

Wararka aan ka helayno magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud ayaa sheegaya in duleedka magaaladaas uu danab ku diley hal qoys oo ka kooban 5. Dhacdadaan ayaa imaanaysa ayadoo saacadihii u dambeeyay uu gobolka ka da’;aayay roobab lagu diirsaday.


Guriga uu ku dhacay danabka ayaa ka koobnaa 7 qof waxa uu danabku dhaawacay qof ka mida halka 5 ka mida uu danabku diley ayna ku jireen 4 caruura iyo hooyadood. Waxa la sheegay in qofkale la raadinayo.


Dadka ka agdhawaa guriga dhacdadaan ku dhacay oo naxsan ayaa baadigoob u galay sidii ay u heli lahaayeen qofka maqan isla markaana ugu fidin lahaayeen waxay awoodaan.



Ilaa hadda ma jiraan faahfaahin dheeraada in la helo gaar ahaan qofka maqan. Waxa maalmahan ka curtey gobolada roobab lagu diirsaday inkastoo dad ku dhinteen daadad ka dhashay roobabkaas.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.