X

Erduqaan oo wacad ku maray inuu daadiyo dhiiga Muslimiinta Liibiya

Madaxweynaha Turkiga Erduqaan ayaa wacad ku maray inuu daadiyo dhiiga Muslimiinta Liibiya isagoo markale diidey inu faraha kala baxo arimaha siyaasada Liibiya si loo soo afjaro colaada ka taagan halkaas.


Liibiya ayaa burburtey kadib markii gaaladu isku biirsatey aakhirkiina dileen hogaamiyihii dalkaasi Muaar Gadaafi dalkuna u gacan galay urur diimeedyo uu ku jiro akhwaan muslimiinta uu ka mid yahay Erduqaan.

Sarkaalka maamulka Libiya inteeda badan oo ah askari soo celin kara amarka iyo kala dambeynta ayaa waxa hor taagan ciidamo calooshood u shaqaystayaala oo Erduqaan ka keenay Suuriya iyo weliba hub casriya oo Erduqaan laftiisu soo direy.


Wadamada Masar ay ku jirto ayaa ka gaabsaday inay dagaal toosa la galaan kooxda yar ee fadhida caasimada ee uu taageero Erduqaan si loo soo afjaro colaada.


Si kastaba ha ahaatee is horfadhiga ciidanka Khaliifa Hafter iyo Erduqaan ayaa sii socon doona ilaa ay timaad awood dheeraada ama Carabta oo u midooba Erduqaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.