Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Dawlada dhexe oo war Ka soo saartey labadii doorasho ee Kismaayo ka dhacay

Dawlada dhexe ee Somaliya ayaa war ka soo saartey laba doorasho oo is garab socda oo ka dhacay Kismaayo. Labnada doorasho ayaa waxa kala sheegtay Axmed Madoobe halka mida kale oo isna sheegtay Cabdirashood Xidig.



Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Dawladda Soomaaliya ayaa cadeeyay ineysan Aqoonsaneyn natiijooyinka kala duwan ee kasoo baxay Kismaayo kuwaas oo tilmaamaya in shaqsiyaad kala duwan mid walba gaarkiisa u sheegto horjoogaha maamulka Jubba.


Waxaana dhinaca kale Wasaaradda Walaac ka muujisay dhacdooyinka ka soo cusboonaaday Kismaayo ee ku saabsan Is caleema saarka baalmarsan habraacyada doorashooyinka, Dastuurka iyo Shuruucda Dalka.

Ugu dambayntii dawlada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay aqoonsan doonto oo kaliya doorasho wadar-oggol ah, lagu qanacsan yahay, xor iyo xalaal ah, islamarkaana ay goobjoog ka yihiin dowladda federaalka iyo beesha caalamka.



Waxa aad loogu baahan yahay in la helo nidaam dadku kuwa qanacsan yihiin taas oo ka imaan karta dib u heshiisiin dhaba. Kiiniya ayaa kow ka noqotey soo dhaweynta Axmed Madoobe oo ay hore u taageertay.

Waa markii sadexaad ee dawlada dhexe muujiso mowqifkeeda doorashooyinka bugta ah ee Kismaayo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...