21/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dawlada Farmaajo oo faro kulul ku haysa musuqmaasuqa iyo booliis la xirey

Dawlada Farmaajo ayaa faro kulul ku haysa musuqmaasuqa ay qaataan masuuliytiinta dawlada u shaqeeya iyo taliyeyaal loo xirey laaluush ay qaateen.

Musuqa ayaa faraha goostey ayadoo waxba kuu dhaqaaqayn Somaliya oo dhan inaad laaluush xaaraana bixiso mooyee.



Maamul jufeedyada ayaa ah goobaha ugu daran ee ayna ka jirin amar iyo kala dambeyn dadkuna ku dhiban yihiin.

Gaashaanle  Dhexe Cabdirisaaq Soomane Xuseen oo ahaa taliyaha Ciidanka  Booliska saldhiga degmada War dhiigley iyo Alifle Cabdi Cumar Isaaq taliyaha Baarista Dambiyada Saldhiga  iyo Kormeere Labaad Cabdifitaax Maxamuud Cabdi oo ka tirsanaa Ciidamada saldhiga degmada  ayaa lagu soo eedeeyay in  ay qaateen lacag laauush ah.



Waaxda baarista musuqmaasuqa ayaa baaritaan ku bilowdey ayadoo saraakiishaas jeelka loo taxaabay sida ay sheegtay dawlada Muqdisho joogta.

Daraad ayay ahayd markii wasiir ku xigeenka arimaha dibedda lagu fashilmey in la soo xiro asagoo lagu haysto wax isdaba marin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS