X

Dawlada Itoobiya oo welli ka aamusan waxay uga baxday Maqale iyo jahwareer jira

Falaagada Tigreega ayaa sheegatey inay dib u soo galeen caasimada Tigreega ee Maqale kadib markii ciidanka federaalka Itoobiya ka baxay halkaasi. Masuul u hadlay maamulka ku meel gaadhka ahaa ayaa sheegay in ciidanku ka baxay.


Daraad ayay ahayd markii maamulka ku meelgaadhka ah ee Tigreegu codsadeen xabad joojin si dadka beeralayda u fashaan beeraha maadaama la galay xilli roobaadka.

Qoraal ka soo baxay xafiiska raiisal wasaaraha ayaa lagu sheegay in lagu dhawaaqay xabad joojin inta lagu jiro wax beerashada. Dawlada Itoobiya ayaa edbisay tuugtii ugu waaweynayd ee Tigreega oo ka dhigtey wax la diley iyo wax xabsi ku jira.


”Waa laga jari doonaa dembiyada ay ka galeen qaranka ayaa lagu yiri warbixin ka soo baxday garyaqaanka Itoobiya. Ilaa hadda lama garanayo sababta ciidanka federaalku uga soo baxay Maqale.

Waxase dhawaan jirtey in Maraykanku cadaadin xoogan ku saaray Itoobiya inay soo afjarto dagaalka Tigreega, ayadoo bilowday inay hubeyso Tigreega.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.