X

Maraykanka oo qirtey in looga aargoostey duqeyntii uu ka gaystey Siiriya iyo Ciraaq

Xoogaga xaq u dirirka ee raba inay Maraykanka ka saaraan Siiriya iyo Ciraaq ayaa madaafiic ku garaacay saldhiga Maraykanku ka degan yahay xadka labada dal. Maraykanka ayaa hubeeya argagixisada Daacish sida ay sheegeen dawladaha Siiriya iyo Ciraaq.


Ugu yaraan 8 madfac ayaa ku dhacay xerada ay degan yihiin ciidanka Maraykanku waxana goobta ka dhashay khasaare u badan burbur xoogan.

Maraykanka ayaa qirtey inuu khasaare burbur soo gaaray laakiin diidey inay jiraan mid nafeed. Maraykanka ayaa ku fadhiya saliida dalkaasi Siiriya si budhcadnimo iyo kalitalisnimo ah.


Xoogaga dagaalamaya ayaa wacad ku maray inay dagaalka sii kordhiyaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.