X

Dawlada oo dib u soo celisay bilicdii garoonkii kubadda cagta ee Istadiyo Muqdisho: SAWIRO

Kadib markii mooryaantii dalka looga cararay muddo 30 sano ah ay ku galgashen hantidii dadka iyo tii qaranka ee Muqdisho taalay ayaa dawlada Somaliya dib u soo celisay meeqaamkii hore ee lagu yaqaanay magaalada sida garoonkii Istadiyo Muqdisho.


Garoonka ayaa soo maray marxalado kala duwan waxana u dambeysay isagoo xarun dhuumasho iyo mid ay dadka ku qalaan u ahayd argagixisadii shabaab ee laga sifeeyay magaalada.


Wasaarada Ciyaaraha iyo Dhalinyarada xukuumada Soomaaliya ayaa hadda soo gabo gabeesay dhismaha garoonka Muqdisho gaar ahaan qeybta kubada cagta, waxaana garoonka lagu celiyay siduu ahaa ayadoo lagu daray qaybo an badnayd.

Madaxda dawlada dhexe ee Soomaaliya ayaa la filayaa in si rasmi ah xariga uga jaraan dibna lo bilaabo ciyaaraha kala duwan ee garoonku caan ku ahaa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.