X

Habraaca soo xulista xildhibaanada Woqooyiga oo la soo bandhigey

Waxaa la soo gudbiyey habraaca loo marayo soo xulista xubnaha labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ka soo gelaya deegaanada Woqooyiga Somaliya ama loo yaqaan Somalilaan marka la gaaro dabayaaqada sanadkan.


Habraacan, oo weli qabyo ah, lagana yaabo in waxa laga beddelo, ayaa waxaa soo saaray guddiyo isku dhaf ah oo ka kala socda labada gole ee baarlamaanka dhexe, kuwaas oo loo xil saaray inay ka soo tala bixiyaan sharciga doorashooyinka oo markii hore aan qeexeynin hanaanka loo marayo soo xulidda xubnaha gobolada Woqooyi ku metela dowladda dhexe.

Waxa guddiga hogaamiye u ahaa Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow. Habraacan ayaa u eg kii doorashadii 2016, waxaana lagu sheegay in
xildhibaankiiba ay soo dooranayaan ergo ka kooban 75, ayada oo doorashaduna ay ka dhaceyso magaalada Muqdisho.


Xarunta baarlamaanka ee Villa Hargeysa kulan ka dhacay Salaasadii 26-kii bishan waxaa isugu yimid xubnaha ka soo jeeda gobolada Woqooyi waxaana laga hor akhriyey habraacan cusub.

Kulankaas waxaa goobjoog ka ahaa xubno uu hoggaaminayey Ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed oo ka socday xukuumadda, isla markaana ay qeyb ka ahaayeen wasiirrada kala ah Maareeye iyo Beyle, waxayna la dhacsanyihiin xubnahan ku jira xukuumadda, qaabka loo soo diyaariyey habraacan.


Waxase diidey horjoogaha maamulka Somalilaan iyo koox Xamar ku matasha oo isku sheegta mucaarad oo la safan fadhiidyadii dalka kharibey ee Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif. WAxay rabaan inay iyagu soo xushaan. Waase ku hungoobey Muuse Biixi.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.