X

Dawlada oo ka hadashay fadeexad ku habsatey garoonka Muqdisho

Kadib fadeexad ka dhacday garoonka Muqdisho halkaas oo uu ka dhacay is feedh iyo laad garoonka dhexdiisa una dhexeeyay isla shaqaalaha garoonka iyo qaybaha nabad sugida, ayaa waxa ka hadlay dawlada.


Wasiirka amniga ayaa aad uga xumaaday waxa ka dhacay wuxuuna balan qaaday in la abaal marin doono cidii gaysatey falkaas foosha xun ee ceeb ku noqday garoonka.

”Waxa si yaable u daawaday fowdada ka dhacday meesha iyo kala dambeynta haysata dad iyagu diyaar u ahaa inay garoonka ka dhoofaan ayuu yiri Cali Calasow oo isagu ku sugan Muqdisho.


Foolxumadan ka dhacday garoonka ayaa waxa aad uga xanaaqay madaxweynaha oo dalbatey baaris degdega.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.