X

Faahfaahin: Hoobiyeyaal dad ku diley magaalada Muqdisho yayse fartu ku godan tahay

Waxa goor dhaweyd hoobiyeyaal ku soo dhaceen xaafado ka tirsan masgaalada Muqdisho. Wararka aan helayno ayaa sheegaya in dad masaakiina uu ku diley oo ay ku jiraan caruur.


Hoobiyeyaasha qaar ayaa ku dhacay xaafad halkaas oo ay ku dhinteen dad. Haddaba waxa caadiyan lagu yaqaan weerarada noocana dhiigmiiratada shabaab waxase maalmahan jirey ururka sheegta magaca Hawiye oo hanjabaado dagaal dirayay.

Waxa ururkaas magaca Hawiye sheeganaya hogaaminaya horjoogeyaal ay ka mid yihiin Shariif sh Axmed iyo Xasan Sheekh oo labaduba dalbadey in ragga uga jira ciidabnka qaranka ay ka baxaan iyo weliba inay dawlada ka saari doonaan magaalada oo ay sheeganayaan qabiil ahaan.


Shir ay shalay qabsadeen kaaba qabiilada ku qarabta magaca Hawiye ayay ku sheegeen inay gebi ahaanba diidanyihiin dawladnimada ayna ku hanjabeen dagaal.


”Ilaa hadda lama sheegi karo inay si toosa uga dambeeyen hoobiyeyashan aan loo meel dayin taasina kama dhigna inay bixiyeen amaro hoose ayuu yiri Cali Calasow.

Ilaa haddase waxan oran karnaa waa weeraradii lagu yaqiin argagixisada.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.