X

Kooxda beesha caalamka oo shirkii Afrikaanka uga faaiideysatay danaheeda qaska ah

Dhawaan ayay ahayd mar uu madaxweynaha Somaliya booqday madaxa ururka Afrika ee hadda uu hayo madaxweynaha Kongo halkaas oo uu u sheegay in dawladu waxba ka qabin in Afrikaanku fududeeyaan sidii doorasho qof iyo coda u dhici lahayd.


”Waxase aan aragnaa in shirkii Addis ababa ee maanta looga faaiideystey in kooxda sheegata beesha caalamka ee Maraykanka iyo Ingiriisku ugu horeeyo oo hore u muujiyay inayna la dhacsanayn siyaasada madaxweynaha dalka, inay ku sii qasaan doorashooyinka dalka ayuu yiri Cali Calasow


”Keliya Afrikaanku waxay ahayd inay qayb ka noqdaan fududeynta doorashada, waxase aad is weydiin kartaa dawlada Somaliya miyay ku qasban tahay inay raacdo go’aano xaqiraya masiiriga dalka oo dan dano leh ku daba dhuumanayaan ayuu raaciyay Cali Calasow.

Si kastaba ha ahaatee waxa dhawaan ku fashilmay qaramada midoobey inay go’aan midaysan ka qaadato siyaasada dalka, marka mid Afrikaan halkuu joogaa, wayna cadahay in dawladihii hore ugu fashilmey ay is leeyihiin ku daba dhuunta Afrikaanka.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.