X

Raiisal wasaaraha Ingiriiska oo laga helay cudurka Kooro waase ayo Booris

Ayadoo tirada laga helay cudurka Kooro uu sii kordhaya ayaa xafiiska raiisal wasaaraha Ingiriisku xaqiijay in Booris Joonson laga helay xanuunka Kooro. Tirada u dhimatey cudurka ayaa sii korodhey dalka Ingiriiska.


Muuqaal uu ka soo direy guriga dawlada ee uu degan yahay ayuu ku sheegay in xalay uu qufacay isla markaana xumadi heshay laakiin uu isku takoorayo guriga dawlada shaqadana wadayo.

”Xumad saaid ah ima hayso waana khafiif haddana waan is takoorey ayuu ku sheegay muuqaalka uu soo duubey.


Waxa hadda lagu jiraa sidii looga baari lahaa xanuunka Kooro dhamaan guriga dawlada ee uu degan yahay shaqaalaha iyo madaxda kale ee degan xitaa askarta ilaalisa.

Waxa soo jeediyay in la eego Booris ninka uga masuulka ah Ingiriiska arimaha caafimaaka kadibn waxa u timi dhaqtarad waxayna sheegtay in uu qabo Kooro ayaa la xaqijay.



Waa Kuma Booris

Inkastoo xidid Muslinimo ah uu soo galo Booris hadana wuxuu nacaybka Muslimiinta la wadaagaa xagjir Taram. Waxa kale oo uu caayi jirey dumarka uurka leh iyo dadka madow. Cudurka Kooro ayaa xisbigiisa tusay in dadkoo dhan loo baahan yahay.

Waxa isagna Isla maanta laga helay Kooro wasiirkiida caafimaadka oo aad ugu dhawaa Booris.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.