X

Dawlada oo ku dhawaaqdey gurmad qaran kadib xasuuqii Muqdisho

Kadib xasuuqii aan loo aabo yeelin ee dhiigmiiratada shabaab Ka gaysatey bar xanibaad oo Muqdisho looga soo galo dhinaca Afgooye ayaa raiisal wasaare Xasan uu Ku dhawaaqey gudiga gurmad qaran.


Xasan Cali oo diraayay tacsida shacabkii Somaliyeed ee dhiigooda ay Ku quraacdeen dhiigmiiratada wahaabiyada ayaa sheegay in la sameeyay guddi gurmad qaran oo si deg dega u hawlgala.


Argagixiskii wahaabiga ahaa ee beenta loogu sheegay in janno lagu galo daadinta dhiiga muslimiinta ayaa gaari qarax Ka buuxo la soo dhexgalay halka ugu badan ee dadku joogey.

Mudane Xasan Cali ayaa sheegay in dhaawacyada aan gudaha waxba looga  qaban Karin loo qaadi doono dibedda. Turkiga ayay Ka codsadeen helikobtarada gurmadka deg dega si inta halista loola cararo isbitaalada kale.

Isbitaalkii hore ee Digfeer ee Turkigu dib u casriyaynta Ku sameeyay ee magaalada Muqdisho ayaa iyaguna sheegay inay Ku filan yihiin tirada dhaawac ee soo gaartey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.