X

Wararkii u dambeeyay xasuuq kooxda gaalayntu ka gaysatey Muqdisho

Dhiigmiiratada xalaashatey dhiiga muslimiinta Somalida ee shabaab ayaa saaka xasuuqdey arday jaamacadeed oo la socdey baskii soo qaadayay iyo dad  shacaba. Xasuuqaan ayaa ka dhacay xanibaadii hore Muqdisho laga soo geli jirey dhinaca Afgooye.


Dhimashada dadka shahiidey ayaa la sheegayaa inay marayso 70 hadda halka dhaawacu intaas Ka badan yahay. Dhiigmiiratada gaalaysa muslimiinta ayaa ku farxa daadsiga dhiiga faraha badan ee Muslimiinta tana wax cusub maaha ayuu yiri Cali Calasow

Ardayda Ku dhimatey waxa la shahiidey macalimiintoodii oo isugu jira Somali iyo Turki. Goobta xasuuqi Ka dhacay ayaa ahayd goob saxmad badan xilliga qaraxu dhacay maadaama looga soo galo magaalada dhinaca Afgooye


Waxa hadda la xaqiijay in wahaabiyada dhiigmiiratada ay gaari walxaha qarxa Ka buuxaan iskudhex qarxiyeen markuu marayo safafka dadku Ka buuxaan.

Tirada dhimashada ayaa gaari Karto 75 hadayna Ka badneynba marka aad eegto meesha ay dadka Ku xasuuqeen ayuu qabaa Cali Calasow.


Dawlada Somaliya ayaan war rasmiya welli soo saarin maadaama la gurayo meydka iyo dhaawaca laakiin gudoomiyaha gobolka Banaadir oo goobta tagey ayaa khasaaraha guud Ku sheegay 90 qof.

Madaxweynaha Farmaajo ayaa taxi u direy ummada Somaliyeed iyo dhamaan intii Ku shahiidey xasuuqaan kooxda gaalaynta ee shabaab oo Ku farxay inay sheegtaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.