13/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dawlada oo la safatey Sucuudiga oo xiriirka u jaray Kanada

Dawlada Somaliya ayaa la safatey Sucuudiga oo xiriirka u jaray Kanada. Sucuudiga oo la ogyahay inuu jecelyahay kala dirka shacabka Somaliyeed soo faafiyo caqiidooyin ka fog diinta islaamka ayaa safiirkiisii ka soo ceshadey Kanada.



Talaabadan ayaa timi markii haweenay u ololaysa xuquuqda haweenka oo Sucuudigu ku tunto laba bilood kahorna u ogolaadey inay gaari kaxayn karaan ay Kanada ka hadashay sdii deynteeda.

Sucuudiga oo sheegay inay ka harayaan xagjirnimada dibna ugu noqonayaan diinta saxda ayaa ka caroodey asagoon rabin in loo arko inuu gaalada is hoos dhigayo.



Waxay rabaan inay diinta saxda ah tartiib tartiib ugu soo noqdaan ayadoo aan la soo farogelin. War saxaafadeed ka soo baxay dawlada Somaliya ayaa lagu shegay in ay qalad tahay in dal dalkale farageliyo arimiisa gudaha.

Waxayna raaciyeen in ay rajaynayaan in labada dal soo ceshadaan xiriirkooda.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS