Meydka Oromo aan la garanayn ayaa laga helay Boosaaso. Labadan qof ee Oromada ayaan la garanayn sidey u dhinteen waxase dadku sheegeen in mid ka mida qoorta la jabiyay.
Waxa juira dad ka faaiideysanaya qaska ka jira ismaamulka halkaas oo Jigjiga lagu bililiqaystey tukaamo Oromo leedahay laguna diley dad Oromo ah. Dilalkaas ayaa lagu eedeeyay askarta Liyu booliiska ee daacada u ahayd Cabdi Ilay.
Labadan qof ee Boosaaso lagu diley aya ahaa dhalinyaro. Maalin sii horaysay ayaa muuqaal nin Oromo ah oo la dilaayo lagu baahiyay Baraha Bulshadda.
Maamulka gobolka Bari ayaa diginin adag ka soo saaray dadka caadada ka dhigtey dilka dadka aan walaalaha nahay ee Oromada ee dhibaatada badan haysato.
Meyd ka mida labadaan qof ee la diley ayaa lagu arkey xarun ay ka ganacsadaan dadka wax tahriibiya.
Waxgaradka Somalida iyo Oromada ayaa iyagu dalbadey in la joojiyo dhiiga Muslimiinta. Oromada la jaarka ah Somalida ayaa dhamaantood Muslimiin ah.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS