X

Dawlada oo sheegtay in dalku galayo xaalad dagaal Sabtida: Xasan Kheyre

Dawlada ayaa sheegtay in dalku galayo xaalad dagaal Sabtida soo socota kadib markii madaxweyne Farmaajo amrey in la eryado argagixisada oo welli jooga dhul Somaliyeed kuna xasuiuqa dadkeena.

Wuxuu kaloo sheegay Khayre in Madaxweynaha uu isugu yeeray Baarlamaanka labada Aqal maalinta Sabtida ah, isaga oo u sheegi doona in dalka uu galay xaalad dagaal, oo isaga uu ugu horeeyo.



Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay hal wado oo keliya in ay furan tahay, taasi oo ah inaanan mardambe la aqbalin in la laayo Gabdhaheena, Wiilasheena iyo inaanan aqbalin in nala xasuuqo.



Xasan Khayre ayaa Dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Gurmad Qaran oo maanta Qado sharaf uu u sameeyay ayuu ugu baaqay in sida hada ay isugu duuban yihiin ay isugu xirnaadaan.



Dad badan ayaa is weydiinaya awooda dheeraadka halka ay ka imanayso maadaama lugaha la hayo dawlada Somaliyeed.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.