X

Dawlada oo sheegtay inay ka fakadeen nin hargabka qaba dad ag-fadhiyay

Bishan 16-keedii ayay ahayd markii nin Soomaali ah oo hargabka qaba uu dalka yimi. Ninkaas waxa welli hayaa takoorid waxase dawladu ilaa xilligaa baadi goob ugu jirtey cidii ag-fadhidey ninkaas oo Ka yimi Shiinaha xilli loo sheegay inaanu safrin laakiin go’aansaday inuu dalka Ku soo noqdo.


“Welli waxaan ku jirnaa baadi goobka dadkii Ka ag-dhawaa ama ag-fadhiyay ninkaas oo aan aaminsanahay inay gobolada dalka sii kala aadeen ayay tiri wasiirka caafimaadka Marwo Foosiya Abiikar.


Ilaa hadda gobolada dalka lagama soo sheegin hargabkan sida xun ugu faafay wadamada badankooda. ” Waxaan la kaashanay ururka caafimaadka aduunka si dadkaas loo raadin lahaa.


Hadday na maqlayaan ayna ogyihiin waxaan Ka hadlayno, waxaan ka codsan lahayn inay is takooran muddo todobaad ah ugu yaraan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.