X

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka oo ka hadashay waxa dhiman

Gudoomiyaha guddiga madaxa banana ee doorashooyinka qaranka marwo Xaliimo Yarey ayaa ka hadashay waxa dhiman si ay u iclaamiyaan muddada ay qabsoomi karto doorashada ay dabada ka riixayaan kooxda beesha caalamka. Xaliimo Yarey oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in sharciyo muhiima welli horyaalaan golaha shacabka.


Meelaha ay sida gaarka u sheegtay ayaa waxa ka mida qoondada gobolka Banaadir, in rasmi laga dhigo xisbiyada sida ku meel gaarka ah isku diiwaangeliyay, sida ay u dhacayso kuraasta gobolada Woqooyi iyo qoondada haweenka.


Si kastaba ha ahaatee dadka badankiisa ayaa qaba in doorashada lagu galo nidaamkii hore inta lala imanayo nidaam iyo dawlad xoogan oo fulisa amarada iyo sharciga.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.