X

Shiinaha oo baray reer galbeedka sida loola tacaalo hargabka Wuhaan

Sida la aaminsan yahay waxay ahayd sanadkii hore markii la xaqiiqsadey jiritaanka hargabka xun ee hadda afka qalaad loogu nixiyay Karoona. Wuxuu bilihii u dambeeyay soo ritey boqolaal qof oo ku nool gobolka Wuhaan ee Shiinaha.

Waxa ugu dambeyn la xaqiijay inuu yahay cudur cusub waxana Shiinuhu bilaabay sida ugu haboon ee looga hortagi Karo.


Xadiiskii rasuulkeena case ee aafada

Waxaad moodaa inay akhristeen xadiiskii rasuulkeena csw ee aafada ee ahaa haddii masiibo ku habsato goob, dadka jooga halkaasi ha joogaan halkooda, kuwa kalana yay u safrin halkaas. Gaalada badankooda ayaa hadda xadiiskaas soo xigsada ayagoo danahooda ka fushanaya.


Shiinaha oo darsay cudurka ayaa markiiba sheegay in cudurka ku faafo xataa iyada oo qofku aanu muujin wax calaamada sida qufac iyo xumad. Taas oo walaac badan ku beertay dadkoo dhan.

Kadib waxa Shiinuhu bilaabay inuu takooro magaalada iyo gobolka cudurku ka bilaabmay loona diidey dadka inay baxaan loona yimaado, wuxuuna markiiba soo saaray qalab lagu baaro oo lagu ogaanayo muddo kooban inaad qabto iyo in kale.


Bil iyo badh kadib Shiinuhu wuxuu sheegay in gobolkii uu ka bilaabmey laga ciribtirey cudurka. Keliya waxa magaaladaas u baahan tahay 10 cisho oo kale si loogu dhawaaqo in gebi ahaanba laga tirtirey.


Reer Galbeedka iyo aduunka kale oo raacaya talaabada Shiinaha ayaa bilaabay inay gebi ahaanba joojiyaan isku socodka dadka. Inkastoo ay Shiinaha sumcadiisa dilaan haddana waxay ku qasban yihiin markey runtu timaado inay ku daba faylaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.