X

Dawlada oo walaac xoogan ka muujisay xaalada dadka daadku barakiciyay

“Roobka xilliga xagaaga oo aad u batay, si gaar ahna ugu badan Koofurta dalka ayaa sababay in ay butaacaan ama fatahaan, qeybo badan oo ka mid ah dalka. Waxaa taasi ay sababtay in ay timaado xaalad baahi bani aadanimo iyo barakac baahsan oo ay sameeyeen dadka ku nool meelaha ay halista ka dhacday.


Goballada saameynta ugu badan gaadhay waxaa ka mid ah Shabeelooyinka iyo meelo ka mid ah Jubbooyinka”. Ayuu yiri Xamsa Saciid Xamsa, oo ah Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.


“Mar haddii ay xaaladda sidaas tahay, waxaa hey’adaha gargaarka ee dalka ka howlgala la farayaa in ay si deg deg ah ugu gargaar ula gaaraan meelaha dhibaatada ka dhacday sida Afgooye iyo Balcad, dadka barakacay waxey qabaan baahiyaha asaasiga ah sida cunto, hooy iyo dawo, Wasaarad ahaan waan diyaarsannahay sidoo kale Ayaan ka codsanaynaa hey’adaha in si for fircoon shaqadooda gargaarka ah u gutaan”. Ayuu hadalkiisa ku daray Mudane Xamsa Saciid Xamsa,

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.