X

Maxay khuburada caalamku ka yidhaaheen qaraxii naxdinta lahaa ee Lubnaan

People evacuate wounded after of a massive explosion in Beirut, Lebanon, Tuesday, Aug. 4, 2020. Massive explosions rocked downtown Beirut on Tuesday, flattening much of the port, damaging buildings and blowing out windows and doors as a giant mushroom cloud rose above the capital. Witnesses saw many people injured by flying glass and debris. (AP Photo/Hassan Ammar)

Qaraxii naxdinta lahaa ee shalay gilgiley caasimada Lubnaan ee Bayruud ayaa waxa ilaa hadda ku dhintey 100 qof markii. Sida ay sheegtay dawlada dalkaasi waxa qaraxan sababay kiimiko keyd ku ahayd halkaas oo aan la daryeelin.


Kiimikada goobta taalay ee la dayacay ayaa waxa soo gaaray qaraxa koowaad oo aan la sheegin waxa sababay. Yuhuuda ayaa si adag u beenisay inay gantaal soo tuurtey. Xagjir Taram oo fikirkiisa ka dhiibtey ayaa ku faanay in askartiisu ogtahay in qaraxa uu sababay bamb.

Si kastaba ha ahaatee khuburada qaraxyada noocana ayaa qaba in qaraxan la mid yahay kii ka dhacay Faransiiska ee warshadii bacraminta oo qaraxeedu kala dambeeyay.


”Maaha kiimiko sidaa u khatara inaad hal meel ku keydiso. Haddii halistaasi meel ku aruurto aanad wax u dhinto daryeelkeeda, waxa xiga waa waxaa aan daawanay ayuu yiri khabiir dhinaca qaraxyada.

Bayruud ayaa welli qiiqaysa, waxa dumey guryo xad dhaafa halka dhaawacu kor u dhaafay kumanaan. Madaxda Lubnaan ayaa qaba in kiikkada wax lagu bacramiyo ay halkaa taalay muddo 6 sanno.


Lubnaan ayaa u baahan in khuburo caalamiYA la eegto waxa sababay in kiimikadaasi qaraxdo iyo in wax kale sababay qaraxeeda. Sawirada hoose waxay muujinaysaa burburka laxaadka leh ee soo gaaray dekedii oo hadda aan jirinba.

 

 

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.