X

Dawlada Qadar oo duurjoog ka dhoofinaysa Somaliya iyo nooca ay tahay

Dawlada Qadar ayaa duurjoog ka dhoofinaysa Somaliya iyo nooca ay tahay. Waxa jira xiriir fiican oo u dhexeeya dawlada yar ee Qadar laakiin uu gaasku ka buuxo dalkeeda iyo dawlada fiqiirka ah ee Somaliya laakiin ku fadhida hodanimo weyn.


Warqad ka soo baxdey wasaarada xanaanada ayaa Qadar loogu fasaxay inay Somaliya ka dhoofiso duurjoog nooca loo yaqaan sagaarada ee dalkeenu hodanka ku yahay.


Tirada sagaarada loo fasaxaya ayaa gaaraysa ilaa 14 deero. Wadamada Carabta ayaa si sharci daro u gurta hantida dalkeena taala ayagoo inoogu soo bedelo inay dalkeena ku faafiyaan urur diimeedyadooda, kuwaas oo keentay in dhalinteenu isqarxiyaan.

Waxa dhoofkan sahlaya safaarada Qadar ay ku leedahay Muqdisho.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.