X

Dhacdo ugub ah: dhalinyaro diley horjooge ka tirsan kooxda gaalaynta Muslimiinta ee Shabaab

Dhalinyaro diley horjooge ka tirsan kooxda gaalaynta Muslimiinta ee Shabaab. Waa arin ugub ah waayo dhagaha ummada Somaliyeed ee Muslimka ah waxay maqlaan xasuuqa aan kala go lahayn ee kooxdu u gaysato.


Arintaan ayaa waxa ay ka dhacday Duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose markii dad shacab ah oo dhalinyaro u badan
ay dileen Axmed Nageey oo kamid ahaa saraakiisha kooxda gaalaynta Muslimiinta.

Waxaa ismaandhaaf uu soo kala dhexgalay sarkaalkaasi iyo dhalinyarada bilaa shaqada ah kadib markii uu isku dayay in uu joojiyo Turub ay ciyaarayeen.


Horjoogaha ayaa sidii caadiga ahayd isku dayay inuu dhamaantood khaarajiyo wuxuuna ku ridey dhawr xabo oo rasaasa laakin nasiib wanaag dhalintii ayaa xoog uga maroojiyay bastoolada isagiina ku diley halkaas.

Dhalinyaradii aya goobta ka soo cararay, waxana markiiba goobta yimi qaar ka tirsan kooxda gaalaynta oo qaatey meydkii ninkii laga diley.


Waxa baryahan dambe soo kordhaya dadka shacabka ah ee qaatey qoryaha si kooxda gaalaynta uga sifeeyaan deegaanadooda haba tag daraadaane.

Dadka tuulada ayaa ka cabsi qaba in kooxdu wada xasuuqdo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.