X

Dawlada Somaliya oo amarkii ugu adkaa siisay Kiiniya beenisayna warar buga

ARAABINEWS

Wasiirka warfaafinta Dubbe oo la hadlay saxaafada ayaa faahfaahiyay khasaaraha ka dhashay xasuuqii Kiiniya ka gaysatey gobolka Gedo halkaas oo ay ku dishey hooyo iyo wiilkeeda dhaawacdeyna caruur.

”Runtii khasaaruhu wuxuu ahaa mid isugu jirey naf iyo maal. Waxay dileen hooyo iyo ilmaheeda caruur badana way dhaawaceen, waxa kale oo ay gaysteen hanti si ula kaca loo burburiyay ayuu yiri wasiir Dubbe.


”Maanta laga bilaabo Kiiniya ma gaysan karto weerar dhinaca cirka ah oo ayna ogeyn taliska guud ee Amisom iyo dawlada Somaliya kumana soo xadgudbi karaan hawada ayuu raaciyay Dubbe.

Waxase wasiirku aanu ku darin inayna gaysanba karin wax weerara oo dhinaca cirka ah maadaama dalkan faqiirka ah aanu awood u lahayn inuu kala saaro shacab iyo argagixiso.


Wasiirka ayaa markale taabtey wararka bugta ah ee sheegaya in askartii loo qaaday Eritariya la iibsaday, beentaas oo ka timi fadhiid Xasan Sheekh oo maanta haween jufadiisa ah soo saaray magaalada Muqdisho.

”Itoobiya shalay ayay joogtey xeebta Liido maanta haddii la leeyahay waxay joogaan Tigrey waa Ilaahay mahadii laakiin Itoobiya way isku filan tahay horaan u sheegnay tiro ahaan noomana muuqato inay ciidan uga baahan tahay Somaliya ayuu raaciyay wasiir Dubbe.


”Siyaasiyiinta aduunku kama hadlaan sirta qaranka iyo siiba ciidamada laakiin kuweena waxa ku qasbaya Kiiniya iyo cadowga. Welli ma maqasheen fadhiidyada ku awrkacsada qabiilka oo ka hadlaya cadowga halka ay hadda gaareen in cidankii amniga ay qabiileeyaan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.