X

Dawlada Somaliya oo daawo la gaartey dhaawaca xasuuqii shalay ee Baydhabo: SAWIRO

Dawlada Somaliya ayaa daawo la gaartey dhaawaca xasuuqii kooxda gaalaynta Muslimiintu shalay ka gaysatey Baydhabo. Xagjiro been loogu sheegay janno ayaa naftii ku waayay is-halaag ay ku qaadeen maqaaxii iyo huteel dad fadhiyo.


Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda inay si deg deg ah gargaar caafimaad u gaarsiiso dhaawacyada culus ee qaraxyadii Magaalada Baydhabo.


Xasuuqii kooxda gaalaynta Muslimiintu ka gaysatey Baydhabo ayaa waxa guud ahaan ku nafwaayay 22 qof sida ay sheegeen masuuliyiintu.

Dhaawaca ayaa intaas ka sii badan ayadoo aan welli la ogeyn inta ku naafowdey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.